4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Xisbiga Waddani oo baaq kasoo saaray xaalada Laascaanood

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada iyo garaadada Laascaanood ugu baaqay in la is dajiyo oo nabadgalyada la ilaaliyo.

Guddoomiyha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ciidamada ugu baaqay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo shacabka dhibaatayn karta, sidookale ciidamada magalaada ku sugan ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan.

"Qaranku waa shacabka, shacabkii la ilaalinayay in anay dhibaato gaadhin ayaanu marwalba ku baaqaynaa, waxaanu ugu baaqayna maleeshiyaadka beelaysan ee gadooday in ay is dajiyaan, in anay ciidamada qaranka weerarin" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in ciidanku ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan, lakiin uu furayo in ay ka fogaadaan, in ay awood siyaado ah isticmaalaan, taasii oo uu uu sheegay in ay cadaawad abuuri karto.

Waxa uu sheegay in anay xabadu xal ahayn, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay in ay miiska wadahalada iskugu yimaadaan.

"Xabadi xal maaha qofkasta oo ku dhintaana waa kugu dhimay oo kaa dhimay, wixii dagaala hala joojiyo, miiska wadahadalka halagu soo noqdo oo hala wadahadlo, wadahadal ayaanu ku baaqaynaa" ayuu yidhi Xirsi.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka subixii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo ciidamada taabacsan garaadada magaalada shirku uga socday.

Dagaalka oo dhinacyadu midba mid ka kale ku eedeeyay in uu soo weeraray, ayaa hada istaagay, isla markaana garaadada ayaa magaalada ku sugan, isagoo garaad Jaamac Garaad Ismaaciil isimada u sheegay in anay magaalada ka bixin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]