4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod oo Garowe ka socda
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xiisado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, kadib markii ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo horjeeda isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen gudaha magaalada Garowe.

Xalay saqdii dhexe iyo saakay waaberigii xabbado ay ku jiraan qoryaha waawayn ayaa laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada, taasoo keentay in magaaladu ku waabariisato jawi colaadeed iyo  cabsi.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaan dhexmaray ciidamada amniga iyo maleyshiyo horjeeda isdiiwaan galinta doorashada.

Balse xaaladdu hadda waa degen tahay, mana la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay magaalada gudaheeda.

Guddiga doorashada ayaa hakiyay tababaro loo qabanayay kooxaha ka shaqeynaya diiwaan galinta doorashada sababa la xiriira dhinaca amniga.

Waxay arrimahan kusoo beegmayaan xilli maalinta berito ah loo ballansan yahay inay Garowe iyo degaanada hoos yimaada ka bilaabato isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada ka maqan isagoo ku sugan magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo qorshahiisa doorashada.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta madax bannaan iyo ganacsatada ayaa wada dadaalo lagu baajinayo wax kaste oo keeni kara qalalaase amni.

Maalmo ka hor, nabadoonada Garowe ayaa ka hor yimid isdiiwaan galinta doorashada, iyagoo sheegay in waqtigan aysan munaaasib ahayn.

Waxay sheegeen in dadkii ku noolaa gobolka Nugaal ay abaarta ugu hayaameen degaano kale. Halka qaar kalena laga diiwaan galiyay magaalooyin kale.