3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Gobolka Minisota: 47 qof oo lagu eedeeyey in lunsadeen $250 milyan barnaamijka quudinta carruurta

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday eedeymo ka dhan ah 47 qof uu badankoodu yahay  Soomaali oo lagu eedeeyay inay lunsadeen $250 milyan oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta intii lagu jiro cudurka Corona Virus.

Bayaan kasoo baxay waaxda caddaalada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay tahay wax isdaba marintii ugu weynayd ee ay shaaciyeen baarayaashu ilaa hadda. Eedeysanayaasha ayaa wajahaya eedeymo kala duwan.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay, in ay eedeysanayaashu samaysteen shirkad aan faa'iido doonka ahayn oo qaabilsan quudinta carruurta oo fadhigeedu yahay Minnesota, si ay uga faa'iidaystaan barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dawladda Marayanku bixiso, kaas oo loogu talagalay in lagu siiyo cunto carruurta qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Barnaamijkan quudinta carruurta ayaa waxaa ballaariyay Congress-ka Maraykanka bilowgii masiibada Covid19, si loogu oggolaado ururo badan inay ka qaybqaataan.

Waaxda Caddaaladdu waxay tilmaamtay inay eedeysanayaashu si khiyaano leh u sheegteen inay cunto siinayeen kumanaan caruur ah maalin kasta . Waxay kaloo waaxdu caddaaladu sheegtay in ay eedeysanayaashu soo gudbiyeen qaansheegyo been abuur ah iyo liisaska magacyo been abuur ah si ay u muujiyaan cidda la quudiyay.

Sida xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen, eedaysanayaashu waxay u isticmaaleen dhaqaalaha ka soo baxa qorshaha inay ku iibsadaan hanti ma-guurto ah oo ku taal Minnesota, Kenya iyo Turkey, baabuurta raaxada iyo dahabka.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in tiro aan la cayimin oo dad ah la xiray, laakiin eedaysanayaasha qaarkood ayaa la sheegay inaysan haatan joogin Mareykanka.












Click here
9/21/2022 12:58 PM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Goda oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida.

9/21/2022 10:38 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Samataro oo dhinaca galbeed kaga beegan deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray Maanta dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka oo shalay la wareegay Booco.

9/21/2022 10:38 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP laantiisa dowlad degaanka Soomaalida ayaa War saxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay inay haboon tahay in dib loo dhigo shirweynaha wada tashiga ee loo ballansanaa toddobaadka soo socda ilaa inta laga saxayo khaladaad ay sheegeen inay jiraan.

9/21/2022 10:26 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay meel ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, 18-kii Sebtembar ee todobaadkaan.

9/21/2022 9:59 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso waji kale oo dagaal oo Alshabaab looga xoraynayo gobolka Shabeellada hoose iyo guud ahaan koonfur Galbeed.

9/21/2022 9:28 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa soo saartay xeer cusub oo ku saabsan sida ay xaquuq magangalyo ku heli karaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka cararaya.

9/21/2022 1:35 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku baaqeen in maamulka koonfur Galbeed iyo dowladda federalka lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

9/21/2022 1:28 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Allah u naxariistee Nabadoon Cabdlaahi Nuur Garaad Seefle oo ka mid aha nabadoonada kasoo jeeda gobolka Hiiraan.