4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen oo ka dhacay tuulo ka mid ah degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Goda oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida.

Ugu yaraan shan qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dagaal beeleedkan, iyadoo dhanka dowladdana lasoo sheegayo in ciidamo kala dhex gala beelahan dagaalamay ay halkaa u dirtay.

Dagaal beeleedkan ayaa siday wararku sheegayaan waxa uu daba socdaa dagaal kale oo isla beelahan dagaalamay bil ka hor ku dhex maray tuulo kamid ah degmada Gursum oo lagu magacaabo Anane, halkaas oo xilligaa ay dagaal beeleedkaasi ay ku dhinteen ilaa saddex qof oo kamid ah beelihii wakhtigaa dagaallamay.

Wali xukuumadda degaanka Soomaalidu kamaysan hadlin beelahan dagaallamay, iyo waxay ka qabatay dagaal beeleedkan maanta ka dhacay degmada Gursum ee gobolka Faafan ee dowlad degaanka Soomaalida.

Beelahan dagaallamaya ayaa wada dega degmada Gurum iyo tuulooyinka u dhaw, wuxuuna dagaalkoodu kasoo bilaabmaa ilaa 6 bilood ka hor, wakhti magaalada Bambaas oo kamid ah gobolka Faafan uu ka dhacayay caleema saarka Ugaaska beel kamid ah beelahan dagaallamaya, xafladdaas oo xilligaasi ay ka dhaceen rabshado ay dad badani ku dhinteen wakhtigaas.

Dowladda ayaa horey u ballan qaaday in xallinta khilaafaadka beelaha ay u adeegsan doonto gacanta hay'adaha amniga, maadaama ayay tiri dowladdu xal ay kerni waayeen Odayaal dhaqameedka horey ugu xilsaarnaa xalinta khilaafaadka beelaha.