3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo si buuxda u taageeray howlaha amni ee dalka ka socda

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku baaqeen in maamulka koonfur Galbeed iyo dowladda federalka lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed waxay sidoo kale ku baaqeen in dib u heshiisiin waarta loo sameeyo bulshada kuwada nool deegaannada koonfur Galbeed.

Bayaankooda ayaa kusoo beegmay xilli qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay dagaal kula jiraan Alshabaab.

Inkastoo bayaanka kasoo baxay golaha dhaqanka Koonfur Galbeed aan lagu xusin taageerada dagaalka Alshabaab, haddana nuxurka shir uga socday magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu ahaa sidii loo taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah  Alshabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee shacabkiisu isku abaabuleen inay la dagaalamaan Alshabaab, iyagoo ku guulaystay inay xoreeyaan deegaanno badan.












Click here
9/21/2022 12:58 PM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Goda oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida.

9/21/2022 10:38 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Samataro oo dhinaca galbeed kaga beegan deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray Maanta dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka oo shalay la wareegay Booco.

9/21/2022 10:38 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP laantiisa dowlad degaanka Soomaalida ayaa War saxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay inay haboon tahay in dib loo dhigo shirweynaha wada tashiga ee loo ballansanaa toddobaadka soo socda ilaa inta laga saxayo khaladaad ay sheegeen inay jiraan.

9/21/2022 10:26 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay meel ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, 18-kii Sebtembar ee todobaadkaan.

9/21/2022 9:59 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso waji kale oo dagaal oo Alshabaab looga xoraynayo gobolka Shabeellada hoose iyo guud ahaan koonfur Galbeed.

9/21/2022 9:28 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa soo saartay xeer cusub oo ku saabsan sida ay xaquuq magangalyo ku heli karaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka cararaya.

9/21/2022 1:42 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday eedeymo ka dhan ah 47 qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay lunsadeen $250 milyan oo loogu talagalay in quudin lagu siiyo carruur baahan intii lagu jiro cudurka Corona Virus.

9/21/2022 1:28 AM EST
Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho kooxo hubeysan ay ku dileen Allah u naxariistee Nabadoon Cabdlaahi Nuur Garaad Seefle oo ka mid aha nabadoonada kasoo jeeda gobolka Hiiraan.