4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP oo go'aan kasoo saarey shirweynaha wada tashiga ee dhawaan Jigjiga ka qabsoomi doona
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP laantiisa dowlad degaanka Soomaalida ayaa War saxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay inay haboon tahay in dib loo dhigo shirweynaha wada tashiga ee loo ballansanaa toddobaadka soo socda ilaa inta laga saxayo khaladaad ay sheegeen inay jiraan.

Xisbigu waxa kale oo uu sheegay in kala fogaanshaha u dhaxeeya saamileyda siyaasadda uu caqabad ku yahay qabsoomidda shirweynaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in shir hordhac ah yeeshaan saamileyda siyaasaddu si loo saxo khaladaadka jira, waa sida lagu xusay War saxaafadeedka Xisbiga FEP.

Ugu dambeyn Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda waxaa uu war saxaafadeedkiisa kusoo xiray in shirweynahaa loo ballansanaa uuna qabsoomi karin ilaa la saxo ayay yiraahdeen kaladaadka jira.

Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda waa xisbigii labaad ee isna ka go'aan qaata shirweynaha dhawaan loo ballansan yahay inuu degaanka ka qabsoomo, iyadoo maalintii shalay ay ONLF sheegtay inay qaadacayso ka qayb galka Shirkaas.

Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda waa xisbiga labaad ee mucaarad ah ee ka jira dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo xisbigani uu sidoo kale ka jiro dhammaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, Xisbigan laantiisa degaanka Soomaalida waxaa guddoomiye u ah Sheekh Ibraahim dheere, iyadoo isla Sheekh Ibraahim dheere uu guddoomiye ku xigeen u yahay Xisbiga xaruntiisa guud oo ku taal Addis Ababa.