4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Hadaljeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Galabta lagu soo gabagabeeyay teendhada Afisyooni

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Waxaa galabta si rasmi ah ugu soo gabagaboobay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho hadaljeediinta Musharaxiinta u taagan tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maanta soo xiray dhageysiga hadal jeedinta 39-ka Musharax ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo shalay iyo maanta hadal jeedintooda ka socotay teendhada Afisyooni.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta dhageystay khudbadaha 19 Musharax oo ay ka mid ahayeen Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Deni iyo Musharaxiin kale oo caan ah, waxaana hadal jeedinta musharaxiinta Madaxyenaha 10-aad ee Soomaaliya ay socotay shalay iyo maanta oo aheyd labada maalin ee guddiga doorashada u qorsheyeeen hadaljeedinta Musharaxiinta.

Guddoomiyaha Golaga Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ay hareer fadhiyeen guddoonka labada Aqal iyo ku xigeenadooda ayaa Xildhibaannada iyo Senatorada Aqalka Sare ka codsay in ay xili hore yimaadaan hoolka doorashada 15-ka bishaan May oo lagu wado in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Golaha labada Aqal u sheegay in ay fasax yihiin labada maalin ee Jimcaha iyo Sabtiga oo taariiqdu tahay 13-14 bisha May, islamarkaana guddiga doorashada Madaxweynaha ay u sii diyaar garoobayaan qabashada doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn qabsoomideeda waxaa u daneynaya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya. 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online