4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Hooyo iyo wiilkeeda oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay deegaanka Biyocadde ee gobolka Sh/dhexe
 

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay oo lagu garaacay deegaanka Biyocadde ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa tiro madaafiic ah waxay ku garaaceen deegaanka Biyocadde oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen guryo ay daganayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicda ay Al-shabaab ku weerareen deegaanka Biyocadde ku dhintay 2 ruux oo ahaa Hooyo iyo wiilkeeda, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 10 ruux oo kale oo madaafiicda ugu tageen guryahooda.

Madaafiicda ayaa xalay saqdii dhexe lagu garaacay deegaankaasi taasoo hurdada u diiday dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Biyocadde ee gobolka Sh/dhexe, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen In ciidamada Burundi ay ka jawaab celiyeen dhankooda madaafiicda lagu soo weeraray deegaanka, hayeeshee lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicda ay tuureen ciidanka Burundi.

Deegaanka Biyocadde waa deegaankii sadaxaad oo ciidamada Burundi ay fariisin ku leeyihiin oo ay weeraraan dagaalamayaasha Al-shabaab mudo laba todobaad gudahood ah, waxayna horay u weerareen deegaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa oo ah deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online