4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Dowladda Soomaaliya oo maanta bilowday qeybinta gargaarkii ka yimid Imaaraatka Carabta
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta bilowday qeybinta gargaarkii dhawaan ka yimid dowladda Imaaraatka, waxaana loo daabulay magaalooyinka, Garbahaareey, Baladweyne iyo Xudur oo kamid ah meelaha ugu daran ee lagasoo sheegayo saamaynta abaaraha.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay guddiga qaran inuu go’aan ka gaaray sida gargaarkan loo qeybiyay, iyadoo sheegtay in qeybta kasoo harta gargaarkan loo qeybin doono dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan gargaarkaan ka guddoomay safiirka Imaaraatka u qaabilsan Soomaaliya. Gargaarka ayaa ka koobnaa 26 tan oo raashin nuucyadiisa kala duwan ah.

Raysal wasaare Rooble ayaa dowladda Imaaraatka uga mahad celiyay mucaawinadan ay ugu talo gashay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu dib u habayn ku sameynayo xiriirka labada dal.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online