Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah Puntland oo uu horkacayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa go'aan kasoo saaray khilaafka madaxweynaha Puntland iyo hay'adda PSF.
newsinsideIsimada oo maalmahan uu shir uga socday Boosaaso ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay gogol dib u heshiisiineed u dhigeen madaxweyne Deni iyo masuuliyiinta hay'adda PSF.
Isimada waxay go'aamiyeen in agaasimihii hay'adda PSF general Maxamuud Cismaan Diyaano uu xilka sidiisii hayo islamarkaana uu hay'adda ku sameeyo dib u dhis iyo isku ururinta ciidamadii kala tagay.
Isimada waxay soo jeediyeen go'aan ah in laga laabto heshiiska hay'adda DP world ay ku naamulayso dekeda magaalada Boosaaso. Waxayna ku eedeeyeen DP world in aanay wax ka qaban dekeda Bosaso.
Waxay ku taliyeen in dekeda lagu wareejiyo ganacsatada Soomaaliya si ay maalgashi ugu sameystaan uguna sameeyaan dib udhis.
Lama ogga in go'aankaan uu aqbalidoono madaxweyne Deni oo horey uga horyimid go'aankii Isimada horey ugasoo baxay, inkastoo uu dhawaan sheegay inuu soo dhoweynayo xal kasta oo la gaaro.
Halkaan ka akhriso go'aanka Isimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online