4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay shirka golaha wadatashiga iyo go'aannadii kasoo baxay

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay shirka wadatashiga qaran iyo go'aannada kasoo baxay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaas ay kasoo baxeen natiijo wanaagsan oo xaqiijiinaysa dhameystirka doorashooyinka dalka.

"Shirkaas waxaa lagasoo saaray war murtiyeed ka jawaabaya tabashooyinkii laga qabay habsami u socodka geeddi socodka doorashada iyo caqabadihii ku gudbanaa," ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dardar galinta doorashada. Sidoo kale wuxuu ka digay in hantida dowladda lagu tagri falo iyadoo looga faaidaysano arrimaha doorashooyinka.

"Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riix riixo ama la is colaadiyo. Dhammaanteen waxaa masuuliyad naga saaran tahay inaan dhowrno sharafta iyo dowladnimada dalkeenna, lagana dheeraado wax kaste oo wax u dhimi kara" ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha.

Farmaajo marna kumasoo hadal qaadin khudbadiisa raysal wasaare Rooble iyo waxa iska beddelay khilaafkii kala dhaxeeyay. Inkastoo uu madaxweynuhu uu si guud golaha wadatashiga qaran farriin udiray.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online