3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay u dilay qof shacab ah oo ka mid ah dadka reer Baled Xaawo.

Askariga xukunka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Faarax Dhaqane ayaa horay waxa uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Mowliif Baashe Cumar oo ka mid ahaa farsamayagaanada cilad bixiya gaadiidka.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taala degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goobta ehelada labada dhinac ee kala ahaa askariga dilka lagu fuliyay iyo kuwa qisaasta loo fulinaayay iyo dadweyne kale oo usoo daawasho tagay.

Dilkaan toogashada ah ee maanta ka dhacay Baled Xaawo ayaa kusoo beegmaya xili shalay degmada Luuq ee isla gobolka Gedo dil noocaan oo kale ah Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay ku fulisay askari kale oo ka tirsana ciidamada dowladda oo horay asna u dilay qof shacab ahaa.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/11/2022 3:17 PM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah Puntland oo uu horkacayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa go'aan kasoo saaray khilaafka madaxweynaha Puntland iyo hay'adda PSF.

1/11/2022 10:00 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta dowladda Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu shaqada kaga joojiyay Maareeyaha guud ee hay'adda Tayo dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

1/11/2022 9:35 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

1/11/2022 8:59 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta bilowday qeybinta gargaarkii dhawaan ka yimid dowladda Imaaraatka, waxaana loo daabulay magaalooyinka, Garbahaareey, Baladweyne iyo Xudur oo kamid ah meelaha ugu daran ee lagasoo sheegayo saamaynta abaaraha.

1/11/2022 8:50 AM EST
Talaado, January, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu safar ku tagi doono dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan.

1/11/2022 7:28 AM EST
Talaado, January, 11, 2022 (HOL) - Waxa qarxay khilaaf u dhexeeya ganacsada wax kala soo degta Dekedda Berbera iyo shirkada DPworld ee gacanta ku haysta dib u dhiska iyo maamulka dekedda, kadib markii ay shirkadu kordhisay tacriifada ay ka qaado alaabaha dekedda kasoo daga.

1/11/2022 5:02 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa xoojisay howlihii shidaal baarista ee gobolka xeebta ee Lamu, ku dhawaad sanad kadib markii ay diiday go’aankii maxkamadda caddaalada adduunka ee la xiriirtay muranka ay galisay badda Soomaaliya.

1/11/2022 3:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

1/11/2022 1:22 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Xamse Warfaa oo ahaa gudoomiye ku xigeenka waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu u magacaabay lataliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

1/11/2022 1:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

1/11/2022 12:06 AM EST
Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay shirka wadatashiga qaran iyo go'aannada kasoo baxay.