3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Shirka aragti wadaaga Soomaalida ee machadka Heritage oo sannadkan looga hadlayo dhibaatada isbeddelka cimilada
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Waxaa dalka Djibouti ka furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo machadka Heritage, shirka sannadkan waxaa looga hadlayaa oo lagu lafu guri doonaa maalmaha uu socdo baaritaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya.

Gudoomiyaha hay’adda Heritage Afyare Cabdi Cilmi, ayaa sheegay inay shirka kasoo qeyb galeen cilmi baaraayaal ah iyo masuuliyiin ka ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ku shaqo leh wax ka qabashada saamaynta isbeddelka cimilada.

Guddoomiyaha Heritage Mr. Afyare wuxuu sheegay, shirka oo socondoono saddex cishe in xoogga lagu saaridoono sidii looga doodi lahaa sidii loola macaamili lahaa dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

“Shirkani wuxuu shirarkii hore uga duwan yahay, waxaa jira warqado cilmi baaris ah oo ay keeneen dad cilmi baarayaal ah oo dhowr iyo afartan ah oo jaamacadaha ka yimid. Waxaa kaloo shirkan uga duwan yahay shirarkii hore, waxaa nala jooga illaa 25 jaamacadood oo dalka kuyaala. Waxaan marka xalka ka doonnay in aqoonta laga raadiyo,” ayuu yiri afyare Cilmi.

Shirkaan waxaa kasoo qeyb galay, raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wasiirka biyaha, wasiiru dowlaha deegaanka, raysal wasaarayaashii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, xildhibaann iyo marti Sharaf kale.

Sannad kaste dhamaadkiisa, ayay hay’adda Heritage waxay shir nuucaan oo kale ah oo aragti wadaag ku qabataa daka Jabuuti. Markii ugu horreysay sannadkii 2020 ayaa lagu qabtay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Garowe, sababo la xiriiray xayiraadihii Covid19.












Click here
12/4/2022 9:53 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magaca kaga badalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

12/4/2022 8:48 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.

12/4/2022 6:33 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

12/4/2022 4:31 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.

12/4/2022 1:58 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

12/4/2022 1:22 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.