4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waxaan aaminsanahay in Roobow uu ku qancin karo ugu yaraan qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay soo goostaan
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.

"Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska caalamiga ah The Guardian.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay in Roobow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee Al-Shabaab, uuna ku dhiirrigelinayo in ay dhinac u kala wareegaan. Waxa uu intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay habka dawladiisa ay kaga hortagayso Alshabaab.

Mukhtaar Roobow ayaa ku adkeysanaya in muddo dheer uu khilaaf dhanka fikirka ah kala dhaxeeyay madaxda Alshabaab, islamarkaana uusan raali ka aheyn arxan darrada ay wadaan.

"Waxaan ku khilaafay dhaqankooda iyo akhlaaqdooda, "Waxaanu ahay bini'aadam, ma nihin bahallo,” ayuu yiri Roobow oo isagana wareysi siiyay wargeyska The Guardian.

Mar uu ka hadlayay sababta uu u go’aansaday in uu ka mid noqdo golaha wasiirada ee Soomaaliya, waxa uu tusaale u soo qaatay dhibaatada ay Al-Shabaab oo ku dhawaad 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.