4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari qof shacab ku dilay isbaaro kutaalay Balcad
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.

Cabdiraxmaan Caddow waxa uu 29-kii November ee bishii tagtay ku dilay Saylax Cabdulle oo ahaa darawal PL, isbaaro sharci darro ah oo kutaalay degmada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Waxaa la sheegay inuu u dilay muran ka dhashay lacag sharci darro ah oo lagu amray inuu bixiyo, taasoo markii dambe uu naftiisa ku waayay.

Ciidamada amniga ayaa saacado kaddib ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiig laha oo baxsad ah, iyagoo kaddib lagu wareejiyay hay'adaha garsoorka dowladda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhageysiga kiiskan bilaawday shalay, iyadoona isla maanta xukunkaasi dilka ah lagu riday askarigaan ku eedeysan dilka Marxuum Saylax Cabdulle, kadib markii maxkamada ay kasoo muuqdeen markhaatiyaal goob joog ka ahaa xiliga falka dilka ah uu dhacayay iyo ehelada labada dhinac.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa bil racfaan ah siisay xukumanaha, ka hor inta aan lagu fulin xukunka.