4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Dowladda Norway oo Soomaaliya ku taageeraysa $30 Milyan oo Horumarinta dhaqaalaha ah
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

Kulanka dhex maray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

"Waxa aan maanta ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. Waxa aan ka wadahadalnay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda, Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka, lacagahaas waxaa lagu horumarindoonaa dhaqaalaha Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysa lacag dhan $ 30 Milyan oo dollar taasi oo ay u soo marsiinayso Bangiga Adduunka. $30 Milyan ayaa laguu talagalay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.

Norway ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale duwan ee horumarineed.