6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Puntland: Siyaasiyiin ka digay muddo kororsi uu sameeyo madaxweyne Deni
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtigeedii aan laga dib dhigin, waxayna barlamaanka ugu baaqeen inay Puntland ka bad-baadiyaan hubanti la’aan siyaasadeed.

Golahan ayaa sidoo kale sheegay in dib loo dhigo diiwaan galinta dadweyanaha ee uu guddiga doorashadu wado, iyagoo sheegay in lagu jiro xilli abaareed oo ay dadka reer guuraaga ah dhulkooda ka hayaameen iyagoo naq raadis ah.













Click here
12/4/2022 3:07 PM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Waxaa dalka Djibouti ka furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo machadka Heritage, shirka sannadkan waxaa looga hadlayaa oo lagu lafu guri doonaa maalmaha uu socdo baaritaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya.

12/4/2022 9:53 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magaca kaga badalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

12/4/2022 6:33 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

12/4/2022 4:31 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.

12/4/2022 1:58 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

12/4/2022 1:22 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.