9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal
 

Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo qaarkood oo warbaahinta la hadlay sheegeen in saacadaha soo socda ciidamada ay gudaha u gali doonaan degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dagaalo goos goos ah ayaa laga soo wariyay in saakay ay ka dhaceen deegaano u dhadhaw degmadaasi, walow aanan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi oo ka dhacay deegaano uu ka mid yahay deegaanka lagu magacaabo Juxay oo hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Al-shabaab u ah deegaan muhiim ugu ah isku xirka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo Al-shabaabka weerarada ka geysta gudaha gobolka Hiiraan ay kasoo weerar tagi jireen degmada Aadan Yabaal oo haatan qarka u saaran in Al-shabaab lagala wareego gacan ku heynta degmadaasi.












Click here
12/4/2022 3:07 PM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Waxaa dalka Djibouti ka furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo machadka Heritage, shirka sannadkan waxaa looga hadlayaa oo lagu lafu guri doonaa maalmaha uu socdo baaritaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya.

12/4/2022 9:53 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magaca kaga badalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

12/4/2022 8:48 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.

12/4/2022 6:33 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

12/4/2022 4:31 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.

12/4/2022 1:22 AM EST
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab.