4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
UK oo ku dhawaaqday taageero deg deg ah oo la siinayo dadka Soomaaliyeed ee wajahaya macluusha
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa 2-da maalmood ah, ayaa wasiir Andrew Mitchell wuxuu xaqiijiyay, £6.7milyan oo ah maalgelin gargaar bini'aadantinimo oo loogu talo galay caafimaadka, nafaqeynta, adeegyada biyaha, gargaarka haqab-beelka cuntada iyo taageerada dhibanayaasha xadgudubka ku salaysan jinsiga.

£1.7 milyan oo gargaar ah oo UK ay ku taageerayo Sanduuqa Gargaarka ee Sacuudiga, si loogu caawiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya.

£3.8 milyan oo qayb ka ah taageerada lagu horumarinayo hab-nololeedka xoola-dhaqatada si ay u helaan adeegyo maaliyadeed iyo caymis ka dhan ah abaaraha.

Iyo 3 milyan oo gini oo maalgelin ah oo horey loogaga dhawaaqay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay si loogu taageero Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA).

Dowladda UK  ayaa sheegtay in maalgalintan ay wax ka qaban doonta abaaraha, cunto yarida, rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo kor u qaadida adkeysiga cimilada, iyadoo la gaarsiin doono in ka badan 480,000 oo ka mid ah dadka ugu nugul ee dalka.

Dhaqaalaha cusub ayaa sidoo kale ka caawin doona ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.