4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo Maanta la wareegay deegaano badan, kuna dhawaaday degmada Aadan yabaal
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ciidanka xoogga  Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidanka ay kusii siqayaan degmadii ugu dambeysay ee kooxda Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, islamarkaana Maanta ciidamada dowladda la wareegeen deeganada kala ah Guulane, Daarusalaam, Xargadheerre iyo Mabaax oo ka kala tirsan gobolaa Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Afhayeen Caanood ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaab ay sii socon doonaan ilaa inta Al-shabaab laga saaraayo guud ahaan deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee kusoo dhacaya warqabadka shabakada HOL ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kaabiga ku hayaan Degmada Aadan Yabaal oo ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee Al-shabaab ay maamulaan, waxaana halkaasi ka jira dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay ciidamadu ku doonayaan iney gudaha uhu galaan degmadaasi.