3/26/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Xildhibaan Jeesow: Waa nasiib darro weyn in xukuumadda Soomaaliya ay ku xad gudubto xasaannada xildhibaannada
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.

Xildhibaannadan oo ka hadlayay kalfadhigga barlamaanka waxay sheegeen in xukuumaddu amartay in xildhibaannada la baaro marka ay golayaan xarunta barlamaanka.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeeso oo kamid ah xildhibaannadan ayaa guddoomiyaha barlamaanka Aadan Madoobe ku eedeeyay inuu xukuumadda ka aqbalay warqad hay’adaha amniga loogu fasaxayay inay baaraan xildhibaannada iyo gaadiidkooda.

“In xukuumaddii dhexdeeda lagasoo qoro xildhibaannada hala baaro. Dabcan warqaddaan adiga oo gudoomiyaha ah waad aragtay. Waxayna ahayd inaad naga difaacdid wixii qaldan ee xukuumadda nooga yimaada. Waxaan ku dooranay inaad sharafta xildhibaannada difaacdid,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Jeesoow wuxuu sheegay inaan la aqbali karin, iyadoo madaxtooyada meel ku dhow Shabaabku baabuur qaraxyo ah ku weerarayaan in lagu mashquulo baabuurta xildhibaananda.

Si kastaba ahaatee, fadhigga barlamaanka ee maanta ayaa waxa hareeyeeyay buuq ka dhashay kaddib markii xildhibaanno ay sheegeen in loo diiday inay soo galaan xarunta barlamaanka.












Click here
12/3/2022 10:47 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

12/3/2022 10:19 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo muhiim ah ka jeediyay munaasabadda.

12/3/2022 8:29 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali ku tilmaamay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lagu galo doorashada ururada.

12/3/2022 2:55 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.

12/3/2022 2:22 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.

12/3/2022 1:31 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.