3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in la kordhinaayo Miisaaniyadda Hay'adda Naafadda
 

Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo muhiim ah ka jeediyay munaasabadda.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay dowladda Soomaaliya u kordhinayso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed.

“Dalkeena waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Sanad walba Maanta oo kale ayaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka mid ah dowladaha saxiixay axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah.












Click here
12/3/2022 10:47 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka dadka deegaanka ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

12/3/2022 8:29 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali ku tilmaamay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lagu galo doorashada ururada.

12/3/2022 6:54 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.

12/3/2022 2:55 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.

12/3/2022 2:22 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.

12/3/2022 1:31 AM EST
Sabti, December, 3, 2022 (HOL) - Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.