4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Wafdiga Madaxweyne Laftagareen oo ka warbixiyay waxa ay ka wada hadleen iyaga iyo Madaxda dowlad degaanka Soomaalida
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ku sugnaa Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo kulamo kala suwan la qaatay Madaxweyne Mustafe cagjar, iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida.

Haddaba Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo kamid ah xildhibaannada la socdey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen, ayaa Warbaahinta waxa uu u sheegay inay madaxda dowlad degaanka Soomaalida kala hadleen sidii la isooga kaashan lahaa la dagaallanka Ururka Al Shabaab.

" Waxaan ka wada hadalnay sidaan si wada jir ah ula dagaallami lahayn Al Shabaab, meel kasta oo ay joogaan oo kamid ah Soomaaliyana ugu galno, sidii loo xidid siibi lahaa cadowgaas oo Soomaaliya dhibaateeyey dowlad degaanka Soomaalidana ugudbay oo dhibaato u gaystay, arrimahaas inaan iska kaashano ayaan ka wada hadalnay madaxda dowlad degaanka Soomaalida" ayuu yiri Xildhibaan Mashruuc.

Waxa kale oo uu xildhibaanku xusay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub oo Soomaaliya galaya uusan jirin, balse ay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu xoojinayo kuwii horey u joogay nabad sugidda qaar kamid ah degaannada Koonfur galbeed Soomaaliya, waa siduu hadalka u dhigay Xildhibaan Mashruuc oo la socdey Wafdiga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Xildhibaanka oo wax laga waydiiyay imaanshiyaha Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ee Itoobiya, iyo ogaansho la'aanta dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa uu xildhibaanku kaga jawaabay in isla xildhibaannada la socda Wafdiga Madaxweynaha ay yihiin kuwo heer federal ah oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Mar xildhibaanka wax laga waydiiyay suurtagalnimada Ciidamo Itoobiyaan ah oo gala Soomaaliya waxa uu sheegay inaysan jirin Ciidan cusub oo Soomaaliya galaya, balse ciidankii hore ee joogay Koonfur galbeed Soomaaliya lagu xoojinayo ciidamo kale oo Itoobiyaan ah, waa siduu hadalka u dhigay xildhibaanku.

" Itoobiya waxay lafdhabar u tahay halganka ay Soomaali kula jirto cadowga Al Shabaab, waxayna ahayd dowladdii u horreysay ee dhiiggeeda u daadisa in dowlad Soomaaliyeed taagnaato, laga bilaabo xilligii ay kuwan iyo Maxaakiimtii ay Baydhabo soo galeen ilaa malinkii calanka Soomaaliya laga taagay Villa Soomaaliya, dowladda Itoobiya iyo ciidankeeduba way noo dhimanayeen, tii umbaanu ka codsanay inay xoojiyaan, arrintana waa mid ay si wada jir ah uga shaqaynayaan dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, ee ma aha mid ay qolo gooni ah wadato". ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo kamid ahaa xildhibaannada la socdey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen ee Jigjiga ku sugan.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Lafta gareen ayaa wali ku sugan magaalada Jigjiga.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]