4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Xukuumada Somaliland oo musharax Cirro ku eedaysay in uu argagixiso maalgaliyay
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ku eedaysay in uu Somaliland keenay ciidamado argagixiso ah oo Xamar ka yimid.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta la hadlaya, ayaa sheegay in ciidamo Xamar ka yimid oo doonaya in ay Somaliland ka gaystaan falal argagixiso ay ciidamada booliisku qabteen.

"Waxa hada gacanta lagu hayaa ciidan Xamar ka yimid oo magiciisa, tiradiisa iyo codkiisa iyo baadhitaankiisa in ay Somaliland argagixiso ka abuuraan hada ku yimid oo cidamadeena booliisku uu qabtay" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa musharax Cirro ku eedeeyay in uu ku lug leeyahay ciidankan "Waxan halkan ka sheegayaa in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro in ciidanka halkan yimid uu qofka xidhiidhka la leh ee lacagaha u dirana kamid yahay".

Cirro ayaa dhankiisa xukuumada ku eedeeyay in ay samaysay dad loogu talo galay in ay waxyeeleeyaan mudaharaadayaasha iyo ciidamada amaanka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]