4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Al-shabaab oo fagaare ku yaala degmada Jilib ku toogatay lix ruux
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xoogaga hubeysan ee Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxa ay ku toogteen lix ruux oo dhamaantood rag ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jawaasiis u shaqeyneysay dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Lixda ruux ee Al-shabaab ay ku toogteen fagaaraha degmada Jilib ayay ku sheegeen Al-Shabaab iney kusoo qabqabteen howlgalo kala duwan oo ay ka sameeyeen degaanada ay maamulaan, islamarkaana ay qirteen iney ahayeen jaajuusiin la shaqeyneysay dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera ayna fududeeyeen duqeymo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Fagaaraha la toogtay lixda ruux ee ragga ahaa ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada jilib, kuwaas oo ay Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan toogashada lagu fulinaayay ragga la toogtay.

Ragga lagu toogtay fagaaraha degmada Jilib ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdirisaaq Ciise Axmed oo loo yaqaano ( Maqas), Xasan Gaarane Muuse, Cabdullaahi Cali Ismaaciil, Shire Yuusuf Xersi, Axmed Muqtaar Aadan, Ismaaciil Cabduweli Cismaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay sidaan oo kale fagaarayaal ku yaala degaanada ay maamulaan ku toogtaan rag iyo dumar oo ay ku eedeeynayaan inay la Shaqeeynayeen Sirdoonada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]