4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Shir weynaha 48aad ee Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta oo Qaahira ka furmay


Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha  48aad ee  Shaqada  Jaamacadda Carabta.

Kulanka koowaad ee fadhiga 48aad ee shir weynaha Shaqada ayaa looga hadlay  arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta Bulshada ,  hababka cusub ee shaqada, ilaalinta Bulshada iyo dhaqaalaha dhijitaalka gaar ahaan xaaladaha cusub ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ku shaqeeya dhijitaalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,Mudane  Biixi Iimaan Cige, ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya ugu sii horumarayso dhinaca Ilaalinta Bulshada iyo dadaallada ku aaddan xal u helida shaqo la’aanta.

Wasiir Biixi,  oo uu safarka ku weheliso  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ,  Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad mideysan oo ay ka yeeshaan waddamada  Carabta taasoo si buuxda uga hadleysa ku shaqeynta dhaqaalaha dhijitalka, isla markaana la dhowrayo xuquuqda shaqaalaha, ayadoon looga faa’ideysaneynin u guurida dhijitalka ama adeegsiga teknoolajiyada.

Isticmaalka iyo u guurista dhaqaalaha dhijitalka ayaa waxaa la filayaa inuu fududeeyo ganacsiga, iyadoo sahleyso inuu dhaqaalaha dalka kordho, ayuu ku daray Wasiir Biixi Iimaan Cige oo intaas sii raaciyay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dhijitalka loo isticmaalo shaqo abuuris baahsan si loola dagaallamo shaqo la’aanta.

Wafdiga Wasiirka ee ka qeybgalay shirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xiriirka ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo rugta ganacsiga iyo warshadaha.