4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Waan kasoo horjeednaa wax kaste kasta oo gacan ka geysanaya gooni isku taagga Somaliland
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya,  Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.

Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ayaa sheegay inay dib usoo celinayaan wada hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland. Wuxuu tilmamaay inuu dadaal kasta ku bixinayo in wada hadalku uu horey u socdo, si meesha la joogo horey looga socdo.

" Wax walba hadday ahaan lahayd business iyo horumarkooda wax ku xiran, dowladda federalka waxay diyaar u tahay inay ku taageerto. Awalba markaan joogay waan la fududayn jiray, haddana waxaan diyaar u ahay inaan sidiiyoo kale la shaqeeyo, laakiin ajande kasta oo sii dhaawacaya midnimada, waan diidaynaa,"ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay inuu horey u diiday gooni isku taaga Somaliland. Wuxuuse sheegay inay fursad u siiyeen Somaliland inay iyagu keenaan fursad kasta oo dib loogu midoobi karo.