3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Al-shabaab oo Maanta gubtay guryahii iyo Ceelbiyoodki ku yaalay deegaanka Ceel jiqoow ee gobolka Hiiraan
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay goordhow oo Maanta ah gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in qaraxyo ay ku burburiyen ceel biyoodkii uu lahaa deegaanka Ceel Jiqoow oo ay dadka iyo duunyada ku noola deegaanka iyo hareerahiisa ay ka biya cabi jireen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaabka gubay guryahii iyo Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow iney ku amreen dhamaan dadkii degana halkaasi iney si deg deg ah uga baxaan tuulada, iyagoo intaasi kadibna gubay dhamaan aqaladii ku yaalay deegaanka iyo Ceelkii ay biyaha ka cabi jireen dadki ku dhaqna deegaankaasi.

Dhacdadaan Al-shabaab ay Maanta ku gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodki deegaanka Ceel jiqoow ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamo la baxay dib u xoreynta deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaalya, waxaana dagaaladaasi ay bilaawdeen markii sidan oo kale Al-shabaab ay gubeen guryahii ku yaalay ilaa 7 tuulo oo hoostagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.












Click here
9/18/2022 4:29 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta.

9/18/2022 3:10 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.

9/18/2022 10:04 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa afxumo ku tilmaamay hadalkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in aanu aqbalayn madaxbannaanida Somaliland.

9/18/2022 6:59 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

9/18/2022 5:39 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u jeedinaayay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo quseysa arrimaha Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday iney garab istaagaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaartu saameysay.

9/18/2022 5:35 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad horkeentay wasiir ku xigeenkii hore ee kalluumeysiga Puntland Cabdirixmaan Salaad Jowle.

9/18/2022 5:32 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha Soonaaliya ee ahaa "Ma ogoli gooni isutaaga Somaliland", ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland tahay go'aan shacbi oo aan la badali karin.

9/18/2022 2:07 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.

9/18/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.