4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhibaataysanaa dalka Libya oo ugu dambeyn dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qof oo ahaa Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhibaataysanaa xabsiyada Libya ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhallinyaradan kusoo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay, in ay heli doonaan fursado ka wanaagsan midda ay dalka uga tahriibeen ee dhibka iyo rafaadka u horseeday.

Dhallinayaradan oo muddo labo sano dalka ka maqnaa ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo laabashadooda, iyagoo sheegay in ay silac badan kalasoo kulmeen safarkoodii tahriibka ee ay Libya ku tageen.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM oo gacan ka geysatay soo celinta dhallinyaradan ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu maalgalinayo barnaamijyo dhallinta kasoo laabatay tahriibka looga caawiyo in ay dib u bilaabaan noloshooda.

Sanadihii ugu dambeeyay, tahriibka ayaa hoos u dhacay, kadib markii ay badatay dhibaatada xabsiyada Libya loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliya ee dalkooda uga haajiray si ay nolol wacan wadamada Yurub uga helaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online