Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada doorashada 11- kursi oo ah Golaha Shacabka, iyagoo usoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.
newsinsideDoorashada kuraastaan ayaa la qaban doona todobaadka soo socda, sida lagu sheegay qoraalka guddiga doorasha uu caawa soo saaray, waxayna koonfur galbeed noqonaysaa maamulkii labaad ee shaaciyay tartanka kuraasta.
Galmudug ayaa horey u shaacisay tartanka shan kursi oo katirsan kuraasta aqalka hoose, sida uu sheegay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoorqoor.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online