3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Madaxweyne Mustafe cagjar "Nasiib darro cidda jecel inaan xukunka ka tago, oo ay iga raysato, in muddo ah inay ii dulqaadato ayay noqonaysaa"
 

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo habeenkii xalay ahaa jawaabo ka bixinayay su'aalo ay dadku ku waydiinayeen madasha clubhouse, ayaa ka hadlay arrimo u badan xaaladda guud ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa mar wax laga waydiiyay qaabkii uu ku yimid degaanka ee madaxweynaha looga dhigay, oo la sheegay in dowladda fadaraalku soo magacawday isaga ee aan degaanka laga soo magacaabin, waxa uu sheegay Madaxweynuhu in xilligaas aysan suurtagal ka dhigi lahayn in degaanka laga soo magacaabo madaxweyne, maadaama xaaladdu ay ahayd mid aan degganayn, laguna jiray xaalad deg deg ah, degaankana uusan ka jirin xilligaas baarlamaan iyo xisbi soo magacaaba Madaxweyne, cid kasta oo xilligaas la keenana fadaraalka umbaa soo magacaabi lahaa waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Mar wax laga waydiiyay doorashada iyo in degaanka ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in degaanku uu ka tirsan yahay dalka Itoobiya, inta laga tirsan yahay Itoobiyana uu degaanku la shuruuc noqonayo un Itoobiya, oo aysan wakhti xaadirkan suurtagal ahayn doorasho xor iyo xalaal ah inay ka dhacdo, waxa uu sidoo kale sheegay in haddii uu dalka Itoobiya kala dhaqaaqana, dowlad degaanku wakhtigaas uu qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah.

Mar wax laga waydiiyay inay Madaxweynaha u qorshaysan tahay in dowlad degaanka Soomaalida uu mar helo madaxbanaani isagoo degaanku uu wato magaca Ogadeniya, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in uu ku haminayo in dadka degaanku iyo degaankuba uu yeesho madaxbanaani siyaasadeed, oo dalka Itoobiya wixii degaanku saami ku leeyahay ee kaga maqan uu ka helo, haddii kalena dadka iyo degaankuba ay noqdaan dal madax banaan oo gooni isutaagga, balse Madaxweynuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in magaca Ogadeniya uusan ahayn magac midaynaya shacabka, fikir ahaana uu kasoo horjeedo magacan Ogadeniya waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Mar wax laga waydiiyay Madaxweyne Mustafe cagjar mudada uu sii joogi doono degaanka ee uu xilka sii hayndoono, waxa uu sheegay in aysan hadda u qorshaysnayn inuu xilka baneeyo, dadka raba inaan xilka baneeyo ayuu yiri ha dulqaataan ilaa intii muddo ah, balse waxa uu sheegay in haddii ay yimaadaan duruuf uu xil uga tagayo in si sharaf leh uu markaa uga tagayo xilka, isagoo sheegay in wax dhiig ah ku daadan, oo uusan cararayn, diyaaradna lagu qaadayn, waa siduu hadalka u dhigaye.

Mar wax laga waydiiyay dad la sheegay inay degaanka ka qaxayaan oo magaalooyinka kale ee dalka u baxsaday, waxa uu sheegay Madaxweynuhu inuusan ogayn dadkaas, balse lasoo sheego waxay degaanka uga carareen, isagoo xusay in wakhti xaadirkan dowlad degaanka ay joogaan dad shirar ku qabsada magaalada oo ku mucaarada, isla markaana facebook wax ku qora, iyadoo aan cabsi haynin waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Mar wax laga waydiiyay dhinaca midnimada, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in marka hore ay haboon tahay in midnimada labo lookala qaado, midnimo shacab iyo midnimo siyaasiyiin, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la heli karo ama la samayn karo midnimo shacab, balse aan waligeed la samayn karin midnimo siyaasiyiin.

Dhinaca kale mar wax laga waydiiyay arrimaha deegaamaynta ee badanaa ay isugu dhacaan qabaa'ilku, waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar sheegay in isku dhaca qabaa'ilku ay mar walba dowladdu xaliso, iyadoo geesta kalena aysan degaanka ka jirin wax degaamayn ah laga soo bilaabo wixii is baddalka ka dambeeyay.

Geesta kale mar wax laga waydiiyay bal inuu isu arko isagu inuu kaligii taliye yahay, arrintaasi wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna sheegay in baddalka taas lagu dhaliilo inay xukuumad ahaan ay jilicsan yihiin, waxa kale oo uu sheegay Madaxweynuhu in dadka oo la xiraa aysan ka tarjumaynin kaligii talisnimo, balse qofkii dambi gala la xirayo, isagoo aan la jirdilaynin, ehelkiisana aan la raadsanayn, waxaa uuna sheegay Madaxweynuhu in is baddal ballaaran uu ka jiro dhanka Xuquuqul insaanka, Xorriyadda iyo nidaamka cadaaladda.

Mar wax laga waydiiyay Gole guurti oo dowlad degaanka laga samaynayo, waxa uu sheegay Madaxweynuhu in hawshaa qorshaheeda lawado, Odayaashii dhaqanka ee degaanka iyo kuwo lagu daray oo caawiya ayuu noqonayaa Golaha guurtida ee degaanku ayuu yiri Madaxweyne Mustafe cagjar.

Qurbajoogta iyo kaalinta siyaasadeed mar wax laga waydiiyay Madaxweynaha waxa uu sheegay, in Qurbajoogtu ay yihiin xoog loo baahan yahay, balse shuruucda dalka Itoobiya ka jirta ee hadda loo baahan yahay in laga gudbo, waxa kale oo uu sheegay in xukuumad ahaan ay bilaabeen in qurbajoogtu ay nidaamka dowliga kusoo galaan qaab lataliye ah, wuxuuna ku booriyay qurbajoogtu inay qaataan go'aan siyaasadeed oo degaankooda yimaadaan kuna noolaadaan si xor ah. Balse waxa uu Madaxweynuhu sheegay inaysan marnaba suurtoobayn in  qofku uu reerkiisu dibadda degganaado isagiina uu degaanka joogo, oo marba fasax qaato sidaana uu nidaamkii dowliga ahaa ugu jiro, wuxuuna xusay in taa baddalkeeda uu fursadda siinayo kuwa degaankooda deggan kuna nool.

Waa markii u horeysay ee Madaxweyne kasocda dowlad degaanka Soomaalida uu madal noocan oo kale ah dadku su'aalo ku waydiiyaan, isna uu si waafi ah uga jawaabo, walaw dadkii dib u dhagaystay su'aalihii uu Madaxweynuhu ka jawaabayay ay ku tilmaameen kuwo aan lagu qancin.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/19/2021 2:51 PM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in madaxweyne Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban doono.

11/19/2021 1:54 PM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada doorashada 11- kursi oo ah Golaha Shacabka, iyagoo usoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

11/19/2021 7:01 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug, ayaa lasii daayay, iyadoo aan sharciga la horgeynin.

11/19/2021 5:39 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamtay in dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ay ku taageereen mowqifkeeda ku aadan diidmada qorshaha midowga Afrika uu ku doonayo in loo beddelo howlgalka AMISOM.

11/19/2021 1:12 AM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Qoraal lagu daabacay boga wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, ayay xukuumada Somaliland aad ugaga mahad naqday Taiwan xidhiidhka saxiibtinimada iyo taageerada ku dhisan ee ay la leedahay Somaliland.

11/19/2021 1:06 AM EST
Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Dowlada Hoose ee degmada Berbera ee Somaliland, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta Child friendly Cities and Local governments Inspire Award, oo ay hay'adda caruurta ee UNICEF siiso magaalooyinka ku haboon in caruurtu si qurux badan ugu noolaan karaan.

11/19/2021 12:56 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - UK ayaa ka hor timid qorshaha lagu doonayo in howlgalka Amisom loogu badalo mid wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, sida uu dhawaan soo jeediyay Golaha Nabadda ee Midowga Afrika.

11/19/2021 12:50 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qof oo ahaa Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhibaataysanaa xabsiyada Libya ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

11/19/2021 12:45 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee ka warranta xasaradaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG, ayaa ka digtay hubanti la’aanta mustaqbalka ciidamada AMISOM, xilli uu hawlgalka uu ku eg yahay 31-ka December 2021.

11/19/2021 12:36 AM EST
Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka ayaa dhowaan magacaabaya guddi madax bannaan oo soo qiimeeya waxa ay dowladda Soomaaliya ka qabatay hubka sharci darrada ah, si looga fikiro in laga qaaddo cunaqabataynta hubka ee saaran.