4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Magaalada Berbera oo ku guulaysatay abaalmarin qaali ah
 

Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Dowlada Hoose ee degmada Berbera ee Somaliland, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta Child friendly Cities and Local governments Inspire Award, oo ay hay'adda caruurta ee UNICEF siiso magaalooyinka ku haboon in caruurtu si qurux badan ugu noolaan karaan.

Magaalada Berbera oo abaalmarinta kaga guulaysatay magaalooyinkii la tar tamayay oo ku kala yaala Afrika iyo Aasiya, ayay UNICEF ku sheegtay in ay ku mutaysatay taageero xoogan oo ay dowlada hoose ee Berbera siiso waxbarashada, waxaana 38% kor u kacay ardayda dugsiyada is qorta intii u dhaxaysay sannadihii 2014 ilaa 2020.

Waxa ay hay'addu sheegtay in dowlada hoose ee Berbera ay taageerto ilaa 10,000 oo arday oo 46% ay hablo yihiin, kuwaasi oo wax ka barta 47 dugsi. Taageerada ay dowlada hoose waxbarashada siiyay ayaa waxa kamid ah balaadhinta dugsiyada, dib u dayactirka, mushaarka macalimiinta oo ay bixiso, qalabaynta dugsiyada, bixinta kharashka koronto iyo biyo joogto ah.

Hay'ada ayaa, sidoo kale sheegtay in dowlada hoose ee Berbera ay gacan wayn ka gaysatay yagleelida nidaam caafimaad oo tayo leh.

"Guulaha ugu waa wayni waxa weeyaan in dhaqaalaha ugu dhaw ee degmada iyadoon  meel kale looga doonayn in isla degmadii lagaga shaqeeyo, guulaha ugu waa wayn ee aanu taaban karno waxaa kamid ah in waxbarashadii iyo caafimaad kiiba heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay awal degmada ka heli jirin" wax sida yidhi duqa Berbera, Cabdishakuur Muxumed Xasan (Ciddin).

Dowladda Hoose ee Degmada Berbera ayaa aad lagu amaana, wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka iyo horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka degmada.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]