4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Hay'adda xasaradaha adduunka ee ICG oo ka digtay in AMISOM ay si degdeg ah uga baxdo Soomaaliya

Jimco, November 19, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee ka warranta xasaradaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG, ayaa ka digtay hubanti la’aanta mustaqbalka ciidamada AMISOM, xilli uu hawlgalka uu ku eg  yahay 31-ka December 2021.

ICG ayaa aaminsan in ciiddamada AMISOM oo ka baxa Soomaaliya ay shaki la'aan kooxda Alshabaab u ogolaan doonto in ay la wareegaan inta badan Soomaaliya.

ICG waxay sheegtay in Deeq-bixiyayaasha taageera AMISOM ay rabaan dib-u-habayn iyo in la dhimo tirada ciiddamada , halka AU iyo dawladdaha ciidamada ku deeqay ay raadinayaan maaliyad la isku halayn karo iyo in howlgalka lasii ballaariyo.

“AMISOM waxay lama huraan u tahay ilaalinta cabbirka xasilloonida Soomaaliya. Ka bixitaankeeda degdega ah waxa ay dhiirigelinaysaa kacdoonka Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa in dalka uu galo fowdo. Laakiin deeq-bixiyayaashuna waxay ka caga jiidayaan hawl-gal aan horumar yar ka samayn dagaalka ka dhan ka ah xagjirnimada ee ka socda Soomaaliya,” ayay tiri ICG.

ICG waxay ku talisay in golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku kordhiyo waqtiga AMISOM lix bilood. Saaxiibada AMISOM-na  ay wakhtigaas ku sameeyaan qorshe dib-u-habayn ka tarjumaya shanta sano ee soo socota, taasoo ah inay dhaqaale ka raadiyaan QM, Midowga Afrika iyo kuwa kale si wax looga qabto gabaabsiga ku socdo howgalkan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg 31-ka December 2021. AMISOM ayaa  Soomaaliya ka shaqeynaysay muddo afar iyo toban sano ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online