4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Musharrax Dr. Cabdi Nuur : Dowladdu waxay doonaysaa in ay xoog ku maquuniso shacabka reer Hiiraan mana dhacayso
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Dr. Cabdi Nuur  Shiikh Maxamed oo kamid ah musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iska dhega tirtay oo ay dhayalsatay cabashada reer  Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabelle.

Dr. Cabdi Nuur oo dhinaca kale kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan wuxuu si gaar ah Raysal-wasaare Rooble ugu eedeeyay in aanu la imaan siyaasad hor leh oo khilaafaadka lagu xalliyo oo dalka u horseeda in la gaaro doorasho xor iyo xalaal ah.

“Sida caadada u noqotay dowladdaan, dib uheshiisiin iyo nabadeeyn marna qorshaha uguma jiraan ee waxaa u cad oo muhiimaddooda tahay sidii ay doorasho u boobi lahaayeen,” ayuu yiri Dr. Cabdi Nuur.

Musharraxa wuxuu sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay masuul ka tahay khalaalasaha ka socda gobolka Hiiraan islamarkaana ay dowladdu doonayso in ay si xoog iyo maquunis ah ay ku xalliso tabashada reer hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle, taasoo uu sheegay in aysan suurtagali doonin.

Wuxuu ugu baaqay reer Hiiraan in ay xasiloonidooda ilaashadaan, sameystaan hoggaan ay ku mideeysan yihiin oo la garnaqsada dowladda si ay xuquuqda ka maqan si sharci ah u soo dhacsadaan, masiirkoodana hal meel uga soo wada jeestaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online