4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Kulan Baledweyne ku dhexmaray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradiisa ayaa kulan galabta galinkii dambe kula qaatay hoyga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ee magaalada Baledweyne.

Kulanka dhexmaray Ugaas Yuusuf iyo Wasiir Mukhtaar ayaa looga hadlay xal u helida xiisada ka taagan magaalada Baledweyne iyo sidii loo baajin lahaa wax walba oo dhibaato u keeni kara shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa la sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay si toos ah usoo faragaliso dhibaatada ka jirta gobolka Hiiraan si looga gudbo wax walba oo caqabad iyo dib u dhac u keeni kara shacabka reer Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhankiisa la sheegay inuu Ugaaska u balan qaaday iney dowladda ka shaqeyn doonto sidii loo dajin lahaa xiisada ka taagan Baledweyne kana shaqeyn doonaan sidii loo qancin lahaa shacabka tabashada qaba.

Warar madax banaan oo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda ugu sareysa dalka ay xiriir lasoo sameeyeen Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayna ka wada hadleen hal u helida xaalada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulankan Ugaas Yuusuf iyo wasiir Mukhtaar ayaa imaanaya xili maanta Ugaaska Beesha Xawaadle uu ku guuleystay dajinta xaalad kacsanaan aheyd oo ilaa xalay ka jirtay magaaalada Baledweyne, kadib markii ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jenaraal Xuud ay la wareegeen inta badan magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]