Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Mohamed Awal Saalax oo ahaa fanaan muslim ah, isla markaana caan ku ahaa qasiidooyinka diiniga ah ayaa maanta geeriyooday.
newsinsideFanaankan ayaa intii uusan tawbad keenin wuxuu ahaa fanaan heesaha luqadda Axmaariga ku qaada, isagoo mararka qaarna ku luuqayn jiray heesaha Soomaaliga.
Fanaankan maanta geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Maxamed Awal Saalax ayaa intii dambe caan ku noqday qasiidooyinka diiniga ah, iyadoo siwayn looga yaqaanay guud ahaa dalka Itoobiya.
Geerida fanaankan ayaa waxaa aad uga naxay muslimiinta ku dhaqan Itoobiya, waxayna qaar kamid ah dadkii ay isugu dhawaayeen fanaankan geeriyooday xuseen in muslimiinta Itoobiya maanta ka baxay tiir muhiim ahaa, isagoo fanaanku wax badan dadka ku baraarujin jiray qasiidooyinkiisa iyo nashiidooyinkiisa oo u badnaa baraarujin dhanka khayrka uu dadka ku baraarujin jiray.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]