10/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Puntland oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo ku wajahan xeebaha gobolka Bari
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xooggan oo dabeeylo wata oo ku wajahan dhulka xeebaha ee Puntland.

Maamulka ayaa faray shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxaa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karin badda, sidoo kale waxaa la faray Isu-Duwayaasha wasaaradaha dekadaha iyo kalluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Maamulku wuxuu sidoo kale sheegay in roobabka dabaylaha wata ay Sidoo kale gaari karaan Gobolka Gardafuu.

Puntland sanad walba marka la gaaro sannadka dhammaadkiisa waxaa kusoo laablaabta roobab dabeylo wata oo inta badan geysta khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sannadkii lasoo dhaafay dhammaadkiisii, 9 qof oo Yemeniin ah ayaa ku geeriyooday duufaano ku dhuftay xeebaha gobolka Bari, sidoo kale boqolaal qoys ayaa ku hanti beelay, kuwaas oo isku bedelay baracakayaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/23/2021 2:07 PM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Mohamed Awal Saalax oo ahaa fanaan muslim ah, isla markaana caan ku ahaa qasiidooyinka diiniga ah ayaa maanta geeriyooday.

8/23/2021 1:55 PM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Go'aan mar dhawayd kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Itoobiya Iayaa lagu sheegay in dib loo dhigay doorashadii degaannadii hadhsanaa ee ay Soomaalidu ku jirtay.

8/23/2021 12:41 PM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradiisa ayaa kulan galabta galinkii dambe kula qaatay hoyga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ee magaalada Baledweyne.

8/23/2021 11:03 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku xigeenkiisa iyo afhayeenka golaha wakiilada, ayaa madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada ugu waa wayn gayiga Soomaalida oo kulan diimeed magaalada Hargaysa uga socday 4tii maal mood ee u danbeeyay.

8/23/2021 8:54 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Dr. Cabdi Nuur Shiikh Maxamed oo kamid ah musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iska dhega tirtay oo ay dhayalsatay cabashada reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabelle.

8/23/2021 8:41 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyaga oo kaashanayay iney ku guuleysteen dajinta xaalad kacsanaan aheyd oo ka taagneyd magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/23/2021 7:14 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay kagasoo horjeesteen go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee doorashada looga hadlayay.

8/23/2021 5:02 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Waxaa maanta xaalad deganaasho ah laga dareemaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib xaalad kacsanaan ah oo habeenkii xalay ahaa si weyn uga jirtay Baledweyne.

8/23/2021 4:57 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Daacish ku xukuntay 15-sano oo xabsi Ciiddan ah.

8/23/2021 2:12 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin dhowr ahaa oo dhawaan la tagay Baledweyne ay ku jiraan xaalad go'doon ah.

8/23/2021 1:13 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed ayaa culimada Somaaliyeed ee ku sugan mu'tamarka ama shirwaynaha culimada Soomaalida, oo Hargaysa ka socda ka codsaday in ay u duceeyaan Soomaaliya.

8/23/2021 1:08 AM EST
Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Waxaa galinkii hore ee shalay soo gaaray caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga wafdi ka kooban xildhibaano ka socday dalka Kenya.