4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Faysal Cali Waraabe " Waxan la yaabay wasiirkii arrimaha gudaha oo yidhi dalka balaayo ayaa ka dhacaysa"
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay in uu ku baaqay mudaharaad maalinta bari ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, saxafiyiinta qaarkoodna qoreen.

Faysal ayaa sheegay in aanu garanayn meel uu wasiirku warkaa ka keenay isla markaana uu la yaabay markii uu arkay.

"Waxa isoo kiciyay wasiirkii arrimaha gudaha oo aniga isoo xiganaya, oo leh guddoomiyaha UCID, ayaa ku baaqay mudaharaad, yidhina dalka balaayo ayaa bari ka dhacaysa" ayuu yidhi.

"Qofku wuxuu Facebookga dhigo  ama Twitter kiisa dhigo ayaa lasoo xigtaa, meel uu wasiir kaasi kasoo xigtay garan maayo, waxad mooda in isaga laftuusu uu dadkii waxan jirin ku kiciyay, mar hadii madax la yahayna qadiyado ayaa laga hadlaaye maaha in la is aflagaadeeyo," ayuu hadalkiisa siiraaciyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay  in ay maalinta bari ah mudaharaad iskugu soo baxaan hadii mucaaradka lagaga guulaysto shirgudoonka, taasi oo uu Faysal sheegay in aanu odhan.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]