4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Wasiir Kaahin" Faysalow hadad meel kale u socoto masiibo hanoo sadaaline si yaroo nabada nagaga bax"
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, oo u jawabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo la sheegay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay in ay bari isku soo baxaan, ayaa uga digay in uu nabad galyo daro abuuro.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Somaliland anay wax faragalin ah ku samayn doonin doorashada shirgudoonka wakiilada,  una dhici doonto hab daah furnaan ah, isla markaana anay jirin wax wayn oo nabada loo dhaawaco.

"Xukuumadu haday doonayso in ay howshaa ku talaabsato, maxay ugu talaabsan wayday golayaasha deegaanka markii la samaynayay, maxay ugu talaabsan wayday maayaradu markay labada xisbi mucaarad kasoo baxayeen ee ay isbahaysanayeen, dowlada Somaliland way karaysay, cid ay isbahaystaana way karaysay" ayuu yidhi.

"Maanta waxa aad iyo aad nasiib daro u ah iyadoo doorashadii golaha wakiiladu dhacayso, oo doorasho kale anay dhacaynine la dooranayo oo kaliya guddoomiyihii golaha, in guddoomiyaha xisbiga UCID uu leeyahay barito qas baa dhacaya, barito dhibaata dhacaysa, tolow isagu xaguu ka galayaa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa guddoomiyaha ugu baaqay in aanu umada qas  galin hadii usagu uu meel kale u socdo oo uu qorshayaal kale leeyahay sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Nin malaha meel kale u socda ayaa dadka intiisa kale masiibo u saadaaliye, waxaan leenahay Alle masiibo inooma keeno, hadaa adigu meel kale u socotana anaga masiibo hanoo sii saadaline si yaroo nabad galyo ah nagaga bax" ayuu yidhi wasiirku.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay in ay diyaar garoobaan oo wadooyinka istaagaan si hadii Kulmiye ugu guulaysto shirguddoonka ay mudaharaad u sameeyaan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]