4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabaneyso magaalada Baydhabo iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed ayaa si rasmi ah u diiwan geliyay 10 xubnood oo ku tartamaya shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashooda tahay Koofur Galbeed.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta doorashada Aqalka sare ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Baydhabo, waxaana aad loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan xubno kala duwan oo ka kala socda guddiyada doorashada heer Fedaraal, kan Xalinta Khilaafaadka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo goob joogayaal ka noqonaya hanaanka ay u dhaceyso doorashada maanta ka bilaabaneysa magaalada Baydhabo.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee qabta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]