3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Somaliland : Xildhibaan mucaarad ah oo ku biiray isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Xildhihaan Cabdikariin Meecaad oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sanaag oo horey uga tirsana isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku biiray isbahaysiga kasoo hor jeeda ee xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

Xildhibaan meecaad ayaa kasoo muuqday baraha bulshada isaga oo la sawiran xubnaha xisbiga Kulmiye iyo garabka xisbiga UCID ay u sharaxeen doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, oo uu ugu horeeyo Pro: Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon)

Loolanka iyo kala jiidashada xildhibaannada labada dhinac, ayaa wali sii soconaysa, xili saacado uun ka hadheen doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, waxaana jira xildhibaan ka tirsan mucaaradka oo sheegay in 6 xildhibaan oo muxaafad ahi kusoo bireen isbahaysiga mucaaradka, walow aan la xaqiijin karin sheegashadiisa.

Doorashada shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa Salaasada bari  ka qabsoomi doonta xarunta golaha wakiilada ee caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online














Click here
8/2/2021 4:56 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay in uu ku baaqay mudaharaad maalinta bari ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, saxafiyiinta qaarkoodna qoreen.

8/2/2021 1:17 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, oo u jawabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo la sheegay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay in ay bari isku soo baxaan, ayaa uga digay in uu nabad galyo daro abuuro.

8/2/2021 12:54 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay in ay saxdo imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada siddeedaad ee dugsiyada dhexe Puntland, xilli maalinta berrito ah ay dib u furmayaan guud ahaan dugsiyada Puntland.

8/2/2021 11:53 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagaboobay doorashada Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/2/2021 11:39 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa go'aano kasoo saartay sicir bararka maalmahan ka jiray degaanka, sidaan lawada soconay maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa degaanka Soomaalida ka jiray sicir bar dhanka maciishada ah, taas oo shay walba uu gaadhay qiimo aysan cidna u dhawaan karin.

8/2/2021 7:54 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in aan dhibaato laga dhex abuurin, xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ee cusub iyo musharixiinta u taagan doorashada shirgudoonka.

8/2/2021 7:35 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Ayaan Adan Cabdullaahi ayaa noqotay haweenaydii Labaad ee kusoo baxda doorashada xildhibaanada aqalka sare ee koonfur galbeed ku matalaya barlamaanka labaad ee aqalka sare.

8/2/2021 6:05 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah ay uga bilaawday magaalada Baydhabo doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

8/2/2021 1:42 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa si wadajir ah dhaliilo adag ugu jeediyay ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

8/2/2021 1:31 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.