4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Wasaaradda waxbarashada Puntland oo dhaqaale xumo awgeed u saxi la' imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada dhexe
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay in ay saxdo imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada siddeedaad ee dugsiyada dhexe Puntland, xilli maalinta berrito ah ay dib u furmayaan guud ahaan dugsiyada Puntland.

Masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada Puntland oo ka gaabsaday in aan magacyadooda xusno, ayaa Hiiraan Online u sheegay in dhaqaale xumo darteed loo saxi la’yahay imtixaankii shahaadiga ee fasalada siddeedaad.

In ka badan 12,000 oo arday oo bishii may 22 keedii u fadhiistay imtixaanka shahaadiga, ayaa haatan mustaqbalkooda waxbarasho uu halis ku jiraa, xilli arday walba marka uu imtixaanka u fariisanayay laga qaaday lacag dhan $20.

Imtixaanka shahaadiga ee fasalada siddeed ayaa lagu dhawaaqi jiray maalmo badan ka hor waqtiga furitaanka sanad dugsiyeedka si ay ardayda baastay ugu biiraan dgugsiyada sare ee Puntland uguna bilowdo sanad dugsiyeed cusub.

Wasaaradda waxbarashada Puntland illaa iyo hadda wax tafaasiil ah kama aysan bixin sababta ka dambeysa in imtixaankii la saxi waayo islamarkaana uu mugdi u galay mustaqbalka tobanaan kun oo arday oo waalidiintooda ay dhabarka u riteen qarashka ku baxaya  waxbarashada ubadkooda.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online