4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo go'aano kasoo saartay sicir bararka maalmahan ka jiray degaanka
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa go'aano kasoo saartay sicir bararka maalmahan ka jiray degaanka, sidaan lawada soconay maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa degaanka Soomaalida ka jiray sicir bar dhanka maciishada ah, taas oo shay walba uu gaadhay qiimo aysan cidna u dhawaan karin.

Haddaba dawladda ayaa sheegtay  ineey u adkaysan wayday siday maciishaddu sare ugu kacayso maalinba maalinka xigta ayay maanta soo saartay go'aano wax lagaga qabanayo sicir bararkan xadhkaha goostay.

Go'aanadan oo ay soo saareen Gudiga fulinta ee Xukuumadda Degaanka Soomaalida ayaa u qornaa sidan:-

1. In si deg-deg ah loosameeyo Shirkad ay dawladdu leedahay oo soo-dajisa raashimadda.

2. In Dawladda fadaraalka laga dalbado sidii raashinka canshuur dhaafka ah loogu fasixi lahaa Degaanka.

3. Ganacsatadu in aysan xidhin meherahooda ama bakhaaradooda sidii caadiga ahayd-na ay u iibiyaan noocyada raashinka, Cid kasta oo lagu helo iyadoo xidhay ama si khaldan wax u iibinaysa in talaabo laga qaadi doono.

4. Dhammaan bangiyadda, xawaaladaha iyo ashkaasta ku lug leh kor u kaca iyo isbaddelka xaaladda sarifka iyo lacagaha in talaabo deg-deg ah laga qaadi doono.

Go'aanadan ayaa kusoo hagaagaya xilli saddexdii maalmood ee u dambeeyay degaanka gaar ahaan Caasimadda Jigjiga uu ka jiray sicir barar aan waligii horey loo arag, Isla markaana keenay jahwareer dhanka ganacsiga magaalada ah, iyadoo dadkuna ay aad ula ildarnaayeen qiimaha sare u kacay, oo qof walba shilinkiisu uu waxba u goyn waayay.

Go'aankan ayaa la filayaa inuu wax badan ka badali doono xaaladda sicir barar ee maalmahan degaanka ka jirtay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]