4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Aqalka Sare ku matalaya Koonfur Galbeed oo goordhaw la doortay


Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah ay uga bilaawday magaalada Baydhabo doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada maanta ka bilaabatay Baydhabo waxaa ku tartamaya 10 Musharax oo u taagan qabashada Shan kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare BFS.

Kursiga ugu horeeyay waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Samsam Ibraahin Cali iyo Shariifo Xaaji Cismaan waxaana ku guuleystay tartanka kursiga Samsam Ibraahin Cali oo heshay codad gaaraya 81 cod halka Shariifo Xaaji Cismaan ay heshay 4 cod waxaana la sheegay iney halaabeen 7 cod.

Samsam ayaa noqoneysa Xildhibaankii ugu horeeyay ee kusoo baxa doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana haweenaydii ugu horraysay ee kamid noqonaysa barlamaanka labaad ee aqalka sare.

Waxaa sidoo kale goordhaw la guda geli doonaa doorashada Xildhibaanka labaad ee aqalka sare, waxaana ku tartami doona musharixinta kala ah Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo farxiyo Maxamed Nuur.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare BFS.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Marwo Xaniifa Xaabsade, ayaa soo dhoweysay in Koonfur galbeed ay kasoo baxdo haweenaydii ugu horraysay ee aqalka sare. Waxayna sheegtay in ay caddayn u tahay in bulshada koonfur galbeed ay Gabadhaha wax u oggal yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]