4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo u jawaabay madaxda mucaaradka
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo u jawaabayay madaxda axsaabta mucaaradka ah, ayaa hadalka madaxda mucaaradka ku tilmaamay ceebayn iyo magac dil ay ku samaynayaan doorashadii dhacday.

"Waxa la sheegayaa waa been abuur, in la yidhaahdo uun baa la doonayaa waa waxaanu sheegaynay,  waxay la cabaadayaan labada gudoomiye aqlabiyadii ayaanu kaga adkaanay, arrinta ay ka hadlayaan waa tii doorashii 2017 ee ahayd waa lagu shubtay iyo dad dhintay ayaa codeeyay" ayuu yidhi.

Afhayeenka ayaa sheegay in doorashada shirgudoonka wakiiladu noqon doonto mid nadiifa oo u dhacda si hufan si lamida sidii doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee qabsoomay 31 bishii May.

"Waxa sharaf wayn noo ah in dalka Somaliland ay ka dhacday doorasho nabdoon oo caalamku inagu ma jeertay, ta golaha wakiiladuna waxay noqon doontaa doorasho nadiif ah oo u dhacda si qaanuunka waddanka waafaqsan" ayuu yidhi.

Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka si xisbiga Kulmiye ugu guulaysto shirgudoonka wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]