4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay arrinta xildhibaankii sheegay in uu afduub ka bad baday
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxammed, ayaa sheegay in kadib baadhitaan ay sameeyeen xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ay ku ogaadeen in anay waxba ka jirin cabashada xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in marnaba xukuumada Somaliland anay ogolayn in shacabkeeda ama xildhibaanadeeda waddan kale lagu afduubo ama dhibaato loogu gaysto.

"Waxad arkayseen xildhibaan sheegay in lagu afduubay dalka Itoobiya, afduub kaaso ay sameeyeen wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland, wasaarada arrimaha dibada, safaarada Somaliland ee Itoobiya, una adeegsadeen sirdoonka Itoobiya, Somaliland ma ogolaanayso in dad keeda dal kale lagu afduubo" ayuu yidhi

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in kadib  baadhis ay kala shaqaysay dowlada Itoobiya oo ay  ku sameeyeen dhacdada uu ka cabanayo xildhibaan Mustafe ay ogaadeen in ay tahay arrin been abuur ah oo waxba kama jiraan ah.

"Sirdoonka Itoobiya waxay rabaa caddayn, wasaarada arrimaha dibaduna way la xidhiidhay, wasaarada arrimaha dibada Itoobiya qoraal ayay soo qortay in arrin kaasi uu yahay waxba kama jiraan, wasiirka arrimaha gudahuna warqadan ayuu soo qoray" ayuu yidhi.

Wasiir ku xigeenka ayaa ugu danbayntii sheegay in xildhibaan Mustafe laga rabo in uu xeer ilaalinta iyo ciidamada danbi-baadhista Somaliland kala shaqeeyo sidii looga sal gaadhi lahaa dhacdada isku dayga afduub ee uu ka cabanayo.

"Maadaama oo aanu soo ogaanay in kiis kaasi yahay waxba kama jiraan, waxaanu doonayna in arrinka la baadho ayay tidhi wasaarada arrimaha diba ee Somaliland, hadaba warqad baanu u gud binaynaa xeer ilaalinta iyo ciidanka danbi baadhista, xildhibaanka waxa laga rabaa in cidii wax u gaysatay uu horkeeno hay'adaha sharciga" ayuu yidhi.

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa ku andacooday in uu ka bad baaday afduub ay u maleegtay xukuumada Somaliland oo adeegsanaysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya iyo sirdoonka Itoobiya xili uu ku sugnaa magaalada Addis ababa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online