4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay maleyshiyo beeleed ku dagaalamay tuulooyin hoos taga Boocame
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dirirta labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Sanjabshe iyo aaga Saax-maygaag ee degmada Boocame ee gobolka Sool.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa baaqaan u jeediyay beeelaha ay kasoo jeedaan maleyshiyada ku dagaalamay aagga Boocame, wuxuuna ugu baaqay in nabad galyada laga wada shaqeeyo.

“Waxaan baaq-Nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Sanjabshe iyo aaga Saax-maygaag ee Boocame. Waxgaradka iyo Cuqaasha ha laga shaqeeyo nabadgelyada, dagaal qof ayaa ku dhinta ee qof kuma dhasho, wadajir uga shaqeeya Nabadda.” ayuu yidhi Jaamac Dabaraani.

Dirirta dhexmartay labada maleyshiyo beeleed oo salka ku haysa muran xagga dhul ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad lix qof oo labada dhinac ah iyo dhaawaca tiro kale.

Ciiddamo katirsan Puntland oo ka tagay magaalada Garowe, ayaa gaaray goobta lagu dagaalamay, si ay uga hortagaan in uu mar kale ka dhaco dagaal beeleed.

Dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood, waxaana haatan degen xaaladda goobihii lagu dagaalamay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online