4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Taliska Xoogga Dalka oo sheegay iney gobolka Hiiraan ku dileen 15 dagaalameyaal oo ka tirsan Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay howlagalo qorsheysan oo ay sheegeen in ciidamada dowladda ka sameyeen deegaanka lagu magacaabo Afcad oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha ciidamada qeybta 27-aad Janeraal Axmed Maxamed Tareedishe, waxaana la sheegay in dagaal xoogan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Taliye Tareedishe oo la hadlaayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ay ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnayeen Al-shabaab.

Waxuu intaasi ku daray in howlgalada ay sii soconayaan inta ay Shabaab kaga saarayaan deegaanada aay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale howlgalo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka wada inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas, waxaana howlgalkaasi hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka tirsan taliska 27-aad ee ciidanka Xooga dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]