4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2020
Militariga Mareykanka oo xaqiijiyay weerar lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Kenya
 

Axad, Janaayo, 05, 2020 (HOL)- Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in weerar lagu qaaday saldhig millatari oo ku yaal Kenya oo ay degan yihiin qaar ka mid ah shaqaalaha millatariga Mareykanka.

Kooxda al-Shabab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka oo ay masuuliyiinta Kenya sheegeen in lagu dilay afar dagaalame.

Af hayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay dib kasoo bixindoono faahfaahin dheeraad ah.

Sarkaalku ma bixin macluumaad ku saabsan waxyeello ciidanka Maraykanka ka soo gaartay saldhiga millatari ee Kenya oo sannado badan ay dagganaayeen ciidamada Mareykanka.

Ma cadda inta shaqaale Mareykan ah ee ku sugnaa saldhigga, isagoo saldhigu ahaa goob loogu talagalay ciidamada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]