4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo madaxtooyada Baydhabo ku qaabbilay Wasiir Sadiq Warfa iyo wafdi uu hoggaaminayay


Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta madaxtooyadda ee magaalada Baydhabo ku qaabbilay, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa iyo wafdi uu hoggaaminayay oo shalay halkaa gaaray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Warfa ayaa ugu horreyn ka hadlay socdaalka uu ku soo gaaray isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay inuu la xiriirto qiimeynta heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano oo taageerro lacageed siiya qoysaska nugul , wuxuuna inta ku daray inay sidoo kale warbixin ka aruurinayaan saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska Koonfurgalbeed.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go'an daadajinta adeegyada bulshada iyo taageerrada horumarineed ee bulsho iyo deegaan, waxaana hadda socda taageerro uu Barnaamijka Baxnaano garsiinayo qoysaska uu Ayaxa saameeyay, halka uu horay deegaannada Koonfurgalbeed uga socday qayb kale oo Barnaamijka Baxnaano ah oo taageerro lacageed siiya qoysaska nugul." ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa.

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa soo dhaweeyay taageerrada bulshada ee Dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iyo gobollada kale ee dalka, wuxuuna sheegay in maamulka uu si dhow uga shaqeynayo sidii loo fududeyn lahaa fulinta barnaamijyada oo dhammaan taageeraya bulshada.

" Waxaan ka mas'uul nahay bulshada, waana soo dhaweynaynaa taageerrada ay siinayso Dowladda bulshada nugul iyo kuwa uu saameeyay Ayaxa." ayuu ku daray madaxweyne Laftagareen.

Barnaamijka Baxnaano ayaa ah midkii ugu horreeyay ee Dowladda Soomaaliya  ay kula dagaallamayso saboolnimada,iyadoo barnaamijkan uu qayb ka yahay siyaasadda ilaalinta bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]